AC Milan ayaa 2-1 kaga adkaatay Juventus kulan ka dhacay Riyadh, Saudi Arabia, taasoo u suurtagelisay inay u gudbaan finalka Supercoppa Italiana, halkaasoo ay kula kulmi doonaan Inter Milan.
Juventus ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii 21aad markii Kenan Yildiz uu shabaqa soo taabtay, kadib baas qurux badan oo uu ka helay Samuel Mbangula.
Qeybtii labaad, Milan ayaa soo laabatay.
Daqiiqadii 71aad, Christian Pulisic ayaa gool ku laad u dhaliyay Milan kadib markii lagu galay qalad xerada ganaaxa dhexdeeda.
Afar daqiiqo kadib, kubbad uu soo dhigay Yunus Musah ayaa waxaa si kama' ah isaga dhaliyay daafaca Juventus, Federico Gatti, taasoo keentay in Milan hogaanka qabato.
Tababaraha cusub ee Milan, Sergio Conceicao, ayaa guushiisii ugu horeysay la gaaray kooxda, isagoo haatan isku diyaarinaya inuu la kulmo Inter Milan finalka, inkastoo ay haystaan hal maalin oo nasasho ka yar kooxda ay la ciyaarayaan.
Waxaa xusid mudan in Francisco Conceicao, oo ah wiilka tababaraha Juventus, uu dhaawac ku maqnaa kulankan, taasoo meesha ka saartay fursad ay aabe iyo wiil isaga hor yimaadaan garoonka dhexdiisa.
Kulankan ayaa sidoo kale calaamad u ahaa isbeddelka Milan kadib markii ay shaqada ka ceyriyeen Paulo Fonseca, una magacaabeen Sergio Conceicao tababare cusub.
Guushan ayaa siisay Milan fursad ay ku hanato koobka Supercoppa Italiana, iyagoo wajahaya Inter Milan oo horey uga adkaatay Atalanta kulankii kale ee semi-finalka.
0 Comments