Mohamed Salah, xiddiga kooxda Liverpool, ayaa dhowaan jabiyay rikooro muhiim ah, waxaana uu ku dhow yahay inuu jabiyo kuwo kale oo taariikhi ah.
Rikoorada Uu Dhowaan Jabiyay:
Ciyaaryahanka Ugu Badan Ee Gool Dhaliyay Isla Kulanka Caawiyay: Salah ayaa noqday ciyaaryahanka ugu badan ee taariikhda Premier League hal kulan gool dhaliyay isla markaana caawin sameeyay, isagoo sidaas sameeyay 37 kulan oo kala duwan, taas oo ka sarreysa rikoodhkii Wayne Rooney oo sidaas sameeyay 36 kulan.
Ciyaaryahanka Kaliya Ee 10+ Gool Dhaliyay 10+ Caawiyay Afar Xilli Ciyaareed Oo Isku Xiga: Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda Premier League ee dhaliya 10+ gool isla markaana caawiya 10+ afar xilli ciyaareed oo isku xiga.
Rikoorada Uu Ku Dhaw Yahay Inuu Jabiyo:
Goolkiisii 100-aad Ee Garoonka Anfield: Haddii uu Salah dhaliyo gool kulanka soo socda ee Liverpool ay ku ciyaari doonto garoonka Anfield, wuxuu noqon doonaa goolkiisii 100-aad ee garoonkaas, waana rikoodh ay kaliya horay u gaadheen 7 xiddig oo Liverpool ah.
Ciyaaryahanka Ugu Goolasha Badan Ee Liverpool Ee Tartamada Yurub: Salah ayaa hadda leh 34 gool oo uu u dhaliyay Liverpool tartamada Yurub, isagoo ku dhow inuu dhaafo Steven Gerrard oo leh 41 gool, taas oo ka dhigaysa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu goolasha badan ee Liverpool ee tartamada Yurub.
Salah ayaa sii wada bandhigyada cajiibka ah, isagoo jebinaya rikooro cusub isla markaana ku dhow inuu gaaro kuwo kale, taas oo muujinaysa heerka sare ee uu ka gaaray kubadda cagta.
0 Comments