Aston Villa iyo Manchester City ayaa wada dheelay kulan ka tirsana Premier League, taas oo ay guushu ku raacday kooxda Aston Villa.
Aston Villa ayaa dardar ku bilowday ciyaarta iyada oo doonaysay inay goolal ay isku illaaliso ka dhaliso Man City.
Manchester City ayaa wali sii wadata natiijada guuldarada ah, taas oo maantana ay guuldaro kala kulantay Aston Villa.
Manchester City ayaa 12kii kulan ee ugu danbeeyey badisay kaliya halkulan, xaga laga badiyey 9 kulan iyo labo kulan oo barbaro ah.
Aston Villa ayaa 10kii kulan ee ugu danbeeyey heshay kaliya 3 guul.
Kooxda Unai Emery ayaa dhinac kasta kaga awood badnayd Man City, iyada oo hogaanka u qabaty daqiiqadi 16aad taas oo uu u dhaliyey ciyaartoyga Duran, goolkaas ayaana kaga filnaaday inay City u qabtaan hogaanka.
Manchester City ayaa dhawr jeer isku dayday goolka barbaraha laakin uma suurto galin qaybii hore ee ciyaarta, saasna waxa ku qabatay hogaanla qaybtii hore ee ciyaarta Villa.
Kooxda Pep Guardiola waxa rajada ka dilay markii uu goolka 2aad u dhaliyey Rogers daqiiqadi 65aad ee ciyaarta.
Man city ayaa la iman wayday goolalka barbaraha ah, laakin markii la gaaray daqiiqadi 90+3 ayaa waxa goolka kobaad ee City u dhaliyey Foden.
Goolkaa kadib ciyaarta wax goolal ah layskama dhalin, taas oo ay guushu ku raacday Aston Villa.
0 Comments