LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Martin Zubimendi ayaa ka hadlay arinta uu u diiday Liverpool.

Liverpool ayaa xagaagi dhaawa raadinaysay khad dhaxe oo ka ciyaara kubad bur-buriyaha taas oo ay markii danbe u dooratay Martin Zubimendi, kaas oo markii dambe iska diiday Liverpool.

Reds ayaa ka ama baxday soo qaadashada Zubimendi, iyada oo aamintay Gravenberch kaas oo wacdaro ka dhigaaya Liverpool hadda.

Zubimendi oo ka hadlaaya arinta uu ku diiday Reds ayaa dhahay " waxaan aaday fasax, waxayna igu noqotay lama filaan arintan, Ma ahayn wax aan qorsheeyey heshiiska, waxaan ka falceliyey markii ay xaaladu dhacday.

Waxay ii ahayd wakhti aan faa'ido lahayn, laakin waxaan miisaamay Faa'idada iyo Khasaaraha heshiiska, waxaana aan ogaaday in doorashada ugu wacan ee aan haysto ay tahay inaan joogo Real Sociedad." Ayuu dhahay Zubimendi.


Post a Comment

0 Comments