Liverpool iyo Fulham ayaa wada dheelayey kulan ka tirsana Premier League, taas oo ay kala qaaten mid hal dhibic.
Liverpool ayaa hadda hogaanka Premier League haysa 4 dhibcood oo kaga haysa kooxda reer London ee Chelsea.
Liverpool ciyaartoygeeda Robertson oo hayey kaalin wayn oo ah daafaca bidix, ayaa qaatay casaan oo garoonka laga saaray.
Markay maraysay Daqiiqadi 11aad ee ciyaarta ayaa waxa Liverpool ka dhaliyey goolka furitaanka ciyaarta Pereira kaas oo kooxdisa ku hogaamiyey goolka 1aad.
Cody Gakpo ayaa barbaro ka dhigay daqiiqadii 47 ee ciyaarta, taas oo ay rajo ay dib u gashay Liverpool ah inay la wareegi karaan ciyaarta.
Waxa goolka labaad u dhaliyey Fulham ciyaartoyga Rodrigo kaas oo dhaliyay daqiiqadii 76 ee ciyaarta.
Jota ayaa hadana barbaro ka dhigay daqiiqadii 86aad ee ciyaarta.
Iyada oo ciyaarta ay haysatay Liverpool dhamaan ciyaarta ayaa hadana u suurto galiwaysay in ay keenen goolka guusha ee 3aad.
Arsenal ayaa iyada la gashay barbaro kooxda Everton taas oo ay Arsenal ku noqonayso dib u dhac,
Kulanka ayaa ahaa mid ay gacanta ku haysay Arsenal, dhamaan ciyaarta Isla markaa wax walba oo ay samaysay uma suurto galin inay goolka keento guusha.
0 Comments