Barcelona iyo Dortmund ayaa wada dheelay kulan ka tirsana Champions League, lugtii 6aad ee group-yada, taas oo ay adkaatay Barcelona.
Barcelona ayaa Champions League wacdaro ka dhigaysa marka la joogo horyaalada Yurub iyada oo la moodo inay LaLiga aanay wali awood ku maamuli karin.
Barcelona ayaa Dortmund kula soo ciyaartay gurigeeda kaas oo in lagaga badiyo Dortmund garoonkeda ay ugu danbaysay 2021.
Barcelona ayaa Dortmund kaga badisay natiijo ah 3:2 taas oo ay ku adkaatay kooxda reer Catalonia.
Ciyaarta qaybtii hore waxa lagu kala nastay goolal la,aan.
Kadib soo laabashadii ciyaarta Barcelona ayaa gool la hormartay gool uu dhaliyey wiilka wacdaraha ka dhigaya Barcelona ee Raphinha Daqiiqadi 52aad ee ciyaarta.
Kadib Daqiiqadi 60aad ee ciyaarta ayaa waxa barbaro ka dhigay Guirassy kaas oo rajo kooxdisa galiyey.
Ferran Torres ayaa daqiiqadii 75àad ka dhigay ciyaarta natiijo 2:1 kaas oo dhaliyey goolka 2aad.
Wax markale barbaro ka dhigay ciyaartoygii hore ee Guirassy kaa soo Daqiiqadi 78aad dhaliyey goolka 2aad ee barbaraha.
Kadib wax ku daray goolka guusha ay Barcelona ay gaadhay ciyaartoygeeda Ferran Torres kaa soo dhaliyey goolkii 3aad ee ciyaarta kaas oo uu guudha ku siiyey kooxdisa Daqiiqadi 85aad ee ciyaarta.
0 Comments