Van Nistelrooy ayaa xagaagii dhawaa kooxda Manchester United la saxeexatay caawiye ahaan isaga oo u jooho macalinkii hore ee Erik ten Hag kaas oo kooxda laga cayriyey.
Van Nistelrooy ayaa kooxda sii waday kadib cayrintii Erik ten Hag kaas oo kooxda wadi kari waayey Van Nistelrooy ayaa kooxda si waday kahor imaashaha macalinka cusub ee Ruben Amorim kaas oo kooxda imanaya haatana jooga kooxda ama magaalada Manchester
Van Nistelrooy ayaa kooxda maamulayey 4 ciyaarood 1-baraaje iyo 3-guula ah
Van Nistelrooy ayaa soo saaray bandhiga ciyaartoy farabadan kuwaas oo Kal ah Garnacho, Amad Diallo iyo cabtanka kooxda ee Bruno Fernandes kaas oo 5-ciyaarood dhaliyey 4-gool kooxdana ku hogaamiyey guulo farabadan.
Van Nistelrooy ayaa kooxda iskaga tagi doona kadib imaashaha macalinka cusub ee Ruben Amorim kaas oo hadda jooga Manchester isaga oo sheegay macalinkaas inuu wato shaqaalihiisa.
Manchester United ayaa shaacisay bixitaanka Ruud Van Nistelrooy kadib imaatiga macalinka Ruben Amorim si uu ula wareego macalimada kooxda.
United ayaa bayaan ay soo saartay tiri "Kooxda waxay in van Nistelrooy uu ka tagay kooxda ka dib markii uu ku soo laabtay xagaagi oo uu kooxda ku hogaamiyey 4-tii kulan ee ugu danbeeyey kooxda isagoo ah macalinka ku meel gaar ah Van Nistelrooy waa halyeey Manchester United ah, wuuna ahaan doonaa."
United bayaankeeda u ku dartay "Waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dadaalka uu bixiyey Nistelrooy intuu joogay Old Trafford."
0 Comments