Caawa oo ay ku beegneyd habeen kii Champions League la dheeli jiray ayaa waxa wada dheelay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Milan, Liverpool, Leverkusen, Man City, iyo Sporting CP
Manchester City oo u safartay Portugal si ay ula soo dheesho kooxda reer Portugal ee Sporting Cp taas oo marti loo ahaa.
Ciyaartaas oo ku soo dhamaatay cashar wacan oo ay soo qaadatay kooxda Man City uuna macalinkeeda ahaa Ruben Amorim kaas oo si wacan isku soo baray kooxda Pep Guardiola.
Taas oo ciyaarta man city ku hormartay gool kaas oo uu u dhaliyay ciyaartoyga Foden kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib laagu badalay 4 gool taas oo Pep Guardiola u cuntumi wayday in lagu sameeyo cam back.
Ruben Amorim ayaa kooxdiisa u sameeyey sabootin wacan oo kaga tagaayo isaga oo aadaya Garoonka Old Trafford.
Dhinaca kale Real Madrid oo guuldarro xanuun badan kala kulan kooxda labaad ee ugu koobabka Champions League ugu badan qaarada Yurub ee Ac Milan.
Real Madrid oo fiicnayd ciyaarta hadaana way awoodi kari wayday inay fursadaha ay heshay gool u badasho iyada oo marwalba ay ka diidayeen difaacyada reer Milan.
Sidoo kale kuuxda ugu Champions League ugu badan England ee Liverpool ayaa garaacday kooxda Bayern Leverkusen oo ay ku kala hadiyeen 4:0 taas oo ay ku adkaatay kooxda reer England.
Goolasha oo dhan waxay yimaadeen qaybtii Labaad ee ciyaarta taas oo uu sadexlay gool uu dhaliyey ciyaartoyga reer Colombia ee Luis Diaz kaas oo wacdaro ka dhigaaya kooxdiisa xiliciyaareedkan isaga oo leh 3 gool Champions League ah iyo 5 gool oo Champions League ah.
0 Comments