Tababaraha kooxda Reds Slot ayaa sheegay in goolhaye Allison ay u badan tahay inuu inuu dhaawac muruqa ah muddo ku maqnaado kadib markii uu ku dhaawac may gushii ay kooxdiisa Liverpool ka gaadhay Crystal Palace
Waxa uuna yidhi Arne Slot "Waxa ugu dambeeyay ayaa ah in aanan garanayn laakin waxa aan ognahay ayaa ah in hadii ciyaartoyga uu baxo ay la macna tahay in aanu aadi doonin xulka qarankiisa Brazil sidoo kale ma filayo in uu ciyaaro kulanka ugu horeeya kadib fasaxa xulalka" ayuu ku dhawaaqay Slot
"Waa inaan sugno oo aragnaa, laakin waxay qaadan doonta dhor todobaa, waxaan u maleynayaa inuu soo laabanayo. Waxaan u dhaawaca u malaynaa muruq."
"Isga oo sii wata hadalkiisa waxa uu dhahay "waxa uu u baxay dhaawac dartiis, laakiin hada ma qiimayn karo xaaladiisa"
"Waxa uu sii wadi karaayey ciyaarat, sidaad aragteen, sababtoo ah ma dhicin hal ilbiriqsi ka hor qeybta nasashad, laakiin xoogaa aad ayuu u dareemayay, wuxuuna sheegay inuusan u maleynaynin inay fiican tahay in uu ciyaaro" ayuu si raaciyey hadalkiisa
0 Comments