Wargayska ka soo baxa gobolka Catalonia ee "Sport" oo sheegay in maamulka Barcelona ay si dhab ah uga fiirsanayaan inay heshiiska u kordhiyaan ciyaartoyga qaranka Brazil ee Raphinha kaas oo dhigaya wacdaro layaab ah xiliciyaareedkan 2024-25.
Bandhiga Raphinha ayaa 1/80 ku badalay darajo tababaraha Hansi Flick, isagoo noqday xidiga ugu muhiimsan kooxda xilli ciyaareedkan.
Wargayskan ayaa tilmaamaya in haatan kooxda reer Catalonia ay ka rabto inay kordhiso heshiiska Raphinha kaas oo la gaadhay kooxda 100 kulan oo uu u saftay.
Wargayska reer Catalonia intaa waxa uu ku daraya in Raphinha uu ugu danbayn noqday ciyaartoy ku faraxsan kooxda, isla markaana uu ku raaxaysanayo waqtigiisa kooxda.
Xiliga uu ku eegyahay laacibka reer Barcelona ee Raphinha ayaa ku eeg xagaaga 2027
0 Comments